Mauritania oo kala dirtay aqalkii sare ee baarlamaanka

Mucaaradka ayaa qaadacay aftidan Lahaanshaha sawirka AFP

Dadka reer Mauritania ayaa u codeeyay in lakala diro aqalka sare ee baarlamaanka ama Senate-ka ka dib markii la qabtay afti muran dhalisay oo ay qaadeceen mucaaradku.

Natiijada ayaase loo arkaa guul uu gaaray madaxweyne Maxamed Walad Cabdulcasiis, oo dadka ka soo horjeeda ay ku eedaynayaan in uu isku dayayo in uu kordhisto muddada uu xilka hayo, arrintaas oo uu diiday.

Aftidan ayuu ku baaqay ka dib markii Aqalka sare ee Baarlamaanku uu diiday qorshe lagu baddalayo dastuurka.

Dadka aftidan ka qaybqaatay ayaa ahaa 53.73%, 85% ka mid ah dadka codka dhiibtayna waxay taageereen in isbadalkan la sameeyo, sida ay saraakiishu sheegeen.

Laakiin xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in ay dhacday wax isdabomarin baahsan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynuhu wuu diiday in uu aftidan uga golleeyahay in uu muddada xilka ku kordhisto