Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay gole wasiiro cusub

Cabdiwali Maxamed Cali, Madaxweynaha Puntland Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Cabdiwali Maxamed Cali, Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay gole wasiiro oo cusub kadib markii baarlamaanka Puntland uu horey kalsoonida ugala noqdey golihii jirey.

Wasiiradan cusub ayaa waxa ay ka koobanyihiin 20 wasiir, 13 wasiiru dowle, 20 wasiir ku xigeeno, taasi oo tirada ka dhigeysa gole ka kooban 53 xubnood.

Golaha cusub ayaa waxaa ka dhex muuqda illaa 5 dumar ah oo mid uun ay wasiir buuxda tahay.

Marka laga tago dhawr wasiir oo qadka ka baxay, dhammaan shaqsiyaadkii horey oga mid ahaa golihii hore sidoodii ayay usoo laabteen, isbadalka kaliya ee dhacay ayaa ah in wasaaradaha loo kala badalay.

Baarlamaanka ayaa la horgeyn doonaa si loo ansixiyo golahani cusub oo ay ku jiraan dad markii ugu horeeyey xil wasiirnimo qabtay.