Xildhibaanada koonfur Afrika oo u codeynaya kalsooni kala-noqoshada Zuma

REUTERS Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Koonfur Africa oo cadaadis wajahayo

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa si qarsoodi ah codka ugu qaadaya mooshin ka dhan ah madaxweyne Jacob Zuma maalinta Talaadada, sida ay ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka ee waddankaasi.

Afhayeenka baarlamaanka Baleka Mbete ayaa go'aansatay arintaan ka dib markii axsaabta mucaaradka ay kiiskaan geeyeen maxkamada dastuurka ee koonfur Afrika.

Xilidhibaanada ayaa rumeysan in cod qarsoodi ah oo loo qaado Jacob Zuma ay xitaa qeyb ka noqon karaan xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee (ANC), kuwaasi oo ay u badan tahay inay ka codeeyaan madaxweynaha.

Mr Zuma ayaa horey uga badbaaday dhowr mooshin oo cod loogu qaadayay.

Xisbiga ANC ayaa xukumayay Koonfur Afrika tan iyo markii ay soo dhamaatay xukunkii caddaanka tirada yar sanadkii 1994, waxa uuna xisbigan aqlabiyad ku leeyahay baarlamaanka.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dibadbaxayaal ku sugan agagaarka baarlamaanka ka hor inta aysan afhayeenka ku dhawaaqin go'aankeeda

Go'aanka Ms Mbete ayaa dad badan lama filaan ku noqday waxa uuna waji cusub kusoo kordhinayaa hubaal l'aanta tallaabooyinka ka dhanka ah madaxweyne Zuma, sida weriyaha BBC-da ee Cape Town ay soo sheegyeso.

Hase ahaate, su'aasha haatan la isweydiinayo ayaa ah in xildhibaanada xisbiga talada haya ay diyaar u yihiin inay ka codeeyaan madaxweyne Zuma iyo in kale.