Weerarkii lagu qaaday masaajidka Minnesota mid argagixiso ayuu ahaa

Al Farooq Center Islamic Center, Minnesota. Lahaanshaha sawirka EPA

Qarax burburiyey daaqadaha iyo qol ku dhex yaalla masaajid ay muslimiintu ku leeyihiin gobolka Minnesota ayuu barasaabka gobolka, Mark Dayton, sheegay inuu ahaa fal-dambiyeed argagixiso.

FBI-da ayaa baaraysa wax uu Dayton ku sheegay fal "daran, oo ceeb iyo fulaynimo ah".

Waxay sheegeen in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo la isku xirxiray. Ma jirto cid wax ku noqotay, hase yeeshee xafiiskii iimaamka ayey waxyeello soo gaartay.

Qiyaastii ilaa 20 qof ayaa gudaha ku jiray markii uu qaraxu dhacay.

Maxamed Cumar oo madax ka ah masjidka ayaa CBS News u sheegay in qof jameecada ka mid ah uu arkay gaari xawli kaga cararay goobta markii uu qaraxu dhacay.

"Burburka loo geystay goobtan barakaysan waa mid aan la malayn karin, lana cafin karin. Waxaan rajaynayaa oo aan rabbi ka baryayaa in ciddii ka dambaysay la qabto oo si buuxda sharciga loo mariyo" ayuu Dayton ka sheegay shir jaraa'id oo lagu qabtay dibadda masaajidka oo ku yaalla Bloomington, Minnesota.

Waxaa goobta ku wehliyey Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada, lagana soo doorto Minnesota, iyo Keith Ellison oo ah qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee loo doorto inuu ka mid noqdo koongareeska.

"Waxa ay Minnesota uga duwan tahay gobollada kale waa innagoo oggol oo jecel dadka naga midka ah ee aynaan u eegayn diintooda, luqadda ay ku hadlaan, ama halka ay ka yimaadeen" ayuu yiri Ellison.

Wuxuu intaa ku daray in "nacaybku uu noqday wax bulshadeenna ku baahaya" loona baahan yahay in looga hortago "jacayl iyo qiyamka aan leennahay".

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dad taageero u muujinaya masaajidka ayaa ubaxyo dhigay xarunta Islaamka ee Minnesota.

Golaha xiriirka islaamka iyo Ameerikaanka (CAIR) ayaa ku yaboohay in $10,000 la siinayo ciddii keenta akhbaar lagu soo xiri karo qofkii weerarka mas'uulka ka ahaa. Sidoo kale waxaa abaalmarintaas oo kale ballan qaaday ururka muslimiinta Maraykanka ee Minnesota.

Bog internetka laga furay oo lagu uruurinayo qaaraan lagu dayactirayo masaajidka ayaa durba lagu uruuriyey ilaa Isniintii $40,000.

Ururku wuxuu ka codsaday Masaajidda iyo xarumaha islaamka ee dalka inay sare u qaadaan amniga.

Minnesota waa halka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Maraykanka, xarunta islaamiga ee Daarul Faaruuqna waxay inta badan u khidmaysaa Soomaalida.

Maamulayaasha Minnesota waxay sheegeen in 14 kiis oo ka dhan ah muslimiinta ay dheceen Maraykanka sannadkii 2016, sida uu qoray wargayska The Star Tribune.