Maxkamad ku taalla Ciraaq oo riday xukuno dil ah

Xabaal wadareedyo la helay 2015 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xabaal wadareedyo la helay 2015

Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa dil ku xukuntay 27 nin oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu xasuuqay 1,700 askari oo ka tirsanaa ciidamada Ciraaq bishii June 2014.

Xasuuqan ayaa waxa sida la sheegay gaystay kooxda la baxday dowlada Islamka.

25 qof oo looga shakisanaa in ay weerarkaasi ku lug lahaayeen ayaa la siidaayay ka dib markii cadaymo loo waayay dacwadihii lagu soo oogay.

Xukunkan ay maxkamada riday ayaa qayb ka ah xukuno dil ah oo mudooyiinkii ugu danbeeyay ay fulisay dowlada Ciraq.

Sanad ka hor 36 qof ayaa lagu fuliyay xukun dil ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen xasuuq loo gaystay ciidamada Ciraaq.

Kooxda la baxday dowlada Islamka ayaa muuqaal ka soo duubtay dilalkaasi oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Tikrit.

Dadka la laayay ayaa intooda badan waxa ay ahaayeen dhalinyaro Shiico ah oo loo tababarayay in ay la dagaalamaan kooxda IS.