Askar gaari lagu jiirsiiyay Paris

Sawiro la qaaday weerarka ka dib Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawiro la qaaday weerarka ka dib

Gaari ayaa la jiirsiiyay koox askar ah oo ku sugnaa magalada Paris ee caasimada Faransiiska.

Gaarigan la jiirsiiyay askarta ayaa waxa ku dhawacmay 6 askari oo laba ka mid ah ay dhaawacyo halis ah qabaan.

Howlgal xoogan oo lagu baadi goobayo gaariga weerarka gaystay iyo darawalkii waday ayaa ka socda Levallois-Perret oo tirsan caasimada Paris.

Duqa magaalada Paris ,Patrick Balkany, ayaa sheegay in uusan shaki uga jirin in dhacdadani ahayd mid ku talagal ah.

Faransiiska ayaa waxa sarnayd xaalad degdeg ah tan iyo bishii November 2015.

Muddooyiinkii ugu danbeeyay waxaa dalka Faransiiska ku soo badanayay weerarada loo adeegsado gawaarida.