Shaqaalaha dawladda Ciraaq oo kulayl dartii loo fasaxay

Ganacsiga barafka ayaa si fiican uga socda Ciraaq Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ganacsiga barafka ayaa si fiican uga socda Ciraaq

Hay'adaha saadaasha hawada ayaa qiyaasaya in heer kulka magaalada caasimada ah ee Baqdaad laga yaabo in uu gaaro 50C duhurnimada maalinta Khamiista.

Meelo kale oo kamid ah gobolada Ciraaq ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in kulaylka cimiladu uu siyaado sii noqdo.

Arrintan ayaa laga yabaa inay sababto in korontada meelaha qaar ay go'do, taasna ay keento in adeegsiga qaboojiyayaasha ay caqabad badan kala kulmaan dadka ku nool meelaha kulaylka daran uu ka jiro.

Heerka kulka cimilada ayaa caqabad kale ku ah dadka barakacayaasha ah ee reer Ciraaq, kuwaasi oo ku nool meelo si ku meel gaar ah loo dhisay oo aan lahayn qaboojiyayaal.

Bariga dhexe ayaa meelo kale duwan uu kulaylku ka jiraa, waxaana toodbaadyadii lasoo dhaafay qaar kamid ah wadamada Yurub ay soo mareen maalmo kulayl badan.

Saynisyahano ayaa tilmaamaya in cimilada sii kululaanaysa ay keeni karto dhimashada 52,000 oo qof sanad walba guud ahaan caalamka marka la gaaro 2100-ka. Haddii aan wax laga qaban isbedelka cimilada ku imaanaya.

Ra'iisal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa amray dhammaan shaqaalaha dawladda in aanay shaqada aadan, xilli heer kulka cimiladu uu kor usii kacay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan