K/Waqooyi oo isu diyaarinaysa in ay duqayso jasiirad uu Maraykanku leeyahay

Saldhiga ciidamada Maraykanka ee jasiirada Guam Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Saldhiga ciidamada Maraykanka ee jasiirada Guam

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaysa in qorshaheeda afar gantaal ay ku ridayso meel ku dhaw dhulka Maraykanka ee Guam uu sida ugu dhakhsiyaha badan diyaar u noqon doono.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegaysa in gantaalada Hwasong-12 ay ka gudbi doonaan Jaban kuna dhici doonan badda meel qiyaastii 30 km u jirta Guam, haddii uu qorshahan ogolaado Madaxweyne Kim Jong-un.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhoolatuska Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi waxay iska indha tiraysaa digniinihii madaxweyne Trump ee ahaa haddii ay ka baaqasan weydo tijaaboyinkan in awood loo adeegsan doono taasoo ay ku tilmaameen madaxweynaha Maraykanka mid raadinaya sabab aan jirin.

Maraykanka ayaa ku hanjabay in talaabooyinka Kuuriyada Waqooyi ay ka macno tahay dhamaadka taliskaasi.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in Pyongyang dagaal kasta oo ay la gasho Maraykanka iyo isbahaysigiisa lagu jabin doono.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Trump oo u hanjabay Kuuriyada Waqooyi

Weriyaha BBC Rupert Wingfield oo ku sugan Guam ayaa sheegaya inuu jiro dareen ah dhibaato kasta oo ka timaada Kuuriyada Waqooyi ay tahay mid afka ah, dadka intiisa badana waxay rumeysanyihiin haddii dhab ahaantii gantaalo ay ku soo weeraraan inay taasi tahay daldallaad uu isu gaystay taliska Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa arbacadii ku dhawaaqday inay qabaynayso qorshayaal ku saabsan inay gantaalo ku tijaabiso Guam, oo ah jasiirad ku taala badda Baasifiga taasoo hoy u ah saldhigyo milatari oo uu Maraykanku leeyahay iyo illaa 163,000 oo qof.

War danbe oo ay baahisay warbaahinta dawladda ayaa lagu sheegay in milatarigu aakhirka dhamaystiri doono qorshahan bartamaha bisha August loona diri doono hogaamiye Kim Jong-un si uu u ansixiyo.