Aadan Barre Ducaale oo ka adkaaday Faarax Macalin

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Aadan Bare ayaa hadal kooban jeediyay markii la doortay

Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa markale ku guulaystay kursiga xildhibaanimo ee bartamaha Gaarisa, kadib markii uu loolan adag uga guulaystay Faarax Macalin.

Guddiga doorashada ayaa ku dhowaaqay guusha Ducaale, kadib markii uu helay 22,587 cod, halka Faarax Macalin uu ka helay 14,897 cod.

Musharixiin kale oo iyaguna ku jiray tartanka ayaa helay codad kala duwan.

Isaga oo la hadlay bulshada Gaarisa ayuu uga mahadceliyay sida ay u doorteen, isla markaana ay kalsoonidooda mar sadexaad u siiyeen.

Image caption Aden Barre Ducaale

Guddiga doorashada Kenya ee IEBC ayuu ku ammaanay sida cadaalada iyo dhex-dhexaadnimada leh ee ay u maamuleed doorashada guud ahaan Kenya.

Waxaa uu si gaar ah u xusay kaalintii ay haweenku ka qaateen ol'olihiisii doorashada, gaar ahaan kuwa ganacsiga kala duwan ku leh suuqa magaalada Gaarisa ee 'Suug Mugdi'.

"Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo xisbigayga Jubilee iyo dhammaan xubnaha xisbiga ee dalka oo dhan kala jooga, kaalin muuqata ayaan ka qaatay markii ol'oluhu socday", ayuu yiri Aadan Barre.

Siyaasigan ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee laga soo doorto deegaanka Dhujis sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo uu ka socday xisbiga mucaaradka ah ee ODM. Waxaana mar labaad uu ku guulaystay kurisga xildhibaanimo isaga oo ka tirsan xisbiga URP.

Xildhibaanka laga soo doorto bartamaha Gaarisa Aadan Barre ayaa sheegay sida uu ugu qanacsan yahay in xisbigiisu uu ku horreeyo kuraasta baarlamaanka codadka ilaa hadda la tiriyay.

Aadan Barre ayaa sidoo kale u mahadceliyay taageerayaashiisa oo uu sheegay in qaarkood ay meela fog uga yimaadeen sidii u dooran lahaayeen hoggaanka raali ku yihiin.

Faarax Macalin wali kama uusan hadlin natiijada uu shaaciyay guddiga doorashada Kenya.

Mowduucyada la xiriira