Boko Haram oo qaraxyada ugu badan u adeegsada dumarka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burburka qarax ka dhacay Nigeria

Warbixin uu soo saaray machadka arrimaha milateriga ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ay dumar aad u badan u adeegsaden weerarada isqarxinta marka la barbardhigo kooxaha kale ee ka dagaalama caalamka.

Baarayaashan ka socda machadka West Point ayaa ssheegay in inkabadan afar boqol oo weerar oo ay fuliyeen dumar ay ka dhaceen dalka Nigeria tan iyo sannadkii 2011-ka, kuwaa oo inta badan ka dhacay waqooyiga bari ee dalkaasi iyo sidoo kale dalalka Niger, Chad iyo Cameroon.

Machadku waxaa kale oo uu intaa ku daray in sababta qaraxyada loogu adeegsado dumarka ay tahay in shakiga laga qabo dumarka ay yartahay marka loo eego ragga.

Nigeria waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii gobolada waqooyiga Bari ee dalkaasi looga sifeyn lahaa Boko Haraam.