Sawirrada Afrika iyo todobaadkan: 4 - 10 Ogost 2017

Xulka sawirradii ugu fiicnaa todobaadkan ee Afrika iyo meelo kale oo dunida ah.

Luvo Manyonga, booddada dhexe Lahaanshaha sawirka AFP

Ciyaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Luvo Manyonga ayaa dadkii garoonka fadhiyey ugu riyaaqeen booddadii uu ku helay biladda dahabka ah Sabtidii ciyaarihii IAAF ee ka socda London. Afar sano ka hor wuxu qabatimay maandooriye la mid ah meth oo la yidhaa 'tik'. Haddase horyaalka booddada dheeri wuxu yoolkiisa ka dhigay in uu jabyo rikoodhka dunida.

Haweenay timaha loo dabayo. Lahaanshaha sawirka Ferdinand Omondi/BBC

Waa Isniin oo raggan Masaai-ga ahi waxay ka shaqaysanayaan goobtan ay dumarka timaha ugu tidcaan oo ku taal mid ka mid ah dariiqyada ugu dadka badan magaalada xeebta ah ee Mombasa.

Rag Masaai ah oo dumarka timaha u dabaya Lahaanshaha sawirka Ferdinand Omondi/BBC

"Rag haween timaha u dabayaa ma aha wax ku cusub Kenya laakiin in rag dharkii dhaqanka ee Masaai-ga xidhani shaqadan qabtaan ayaa la yaab leh" ayuu yidhi weriyahayaga Ferdinand Omondi oo sawiradan qaaday

Rag dul fadhiya sawirrada hogaamiyaha kooxda Bundu Dia Mayala, Muanda Nsemiare. Lahaanshaha sawirka AFP

Waa Salaasa oo rag baa dul fadhiya sawirrada hogaamiyaha diineed iyo siyaasadeed ee kooxda Muanda Nsemiare goobtuna waa xarunta booliska ee Kinshasa. Booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa ku eedeeyey kooxda in ay ka dambaysay qulqulatooyinkii ay ku dhinteen 12 qof ee ka dhacay caasimadda Kinshasa.

Madaxweyne Zuma Lahaanshaha sawirka Reuters

Isla salaasadii madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa dabaal degayey markii uu ka badbaaday cod kalsoonida loogu qaadayey oo la doonayey in xilka lagaga tuuro. Natiijadii codbixinta qarsooni waxay noqotay 198 isaga guushu ku raacday iyo 177 diidanaa.

Nin codkiisa ka dhiibanaya doorashadii Kenya. Lahaanshaha sawirka EPA

Ninkani wuxu ka mid ahaa malaayiinta qof ee Kenyanka ah ee doorashadii dalkaa ka dhacday codkooda ka dhiibtay Salaasadii.

Safafkii codbixinta loogu jiray Lahaanshaha sawirka Reuters

Dadku waxay safafka galeen aroornimadii hore, qaarkoodna habeenimadii ayay yimaadeen.

Taageerayaasha mucaaradka ee degan isku raranta Mathare ayaa ka mudaharaaday ee Uhuru Kenyatta ku horeeyey. Lahaanshaha sawirka EPA

Mudaharaadadu waxay bilaabmeen markii Arbacadii musharaxa mucaaradka Raila Odinga ku dooday in kombuyuutarrada gudida doorashooyinka la jabsaday si codadka loogu shubo madaxweyne Kenyatta. Eedaas way beeniyeen saraakiisha gudida doorashooyinku.

John Paul Mwirigi oo ayeydii la fadhiya Lahaanshaha sawirka Anthonu Irungu/BBC

Waa Khamiis oo John Paul Mwirigi ayaa qoyskiisa la damaashaadaya ka dib markii uu noqday xildhibaanka ugu da'da yar Kenya. Waa arday dhigta jaamacadda oo 23 jir ah waxaana laga doortay bariga Meru oo wuxu yidhi: "Farxadaydu waa in dadka degmadani aqbaleen in xataa jiilka da'yarta ahi hogaanka qaban karaan"

Dad Telefishanka daawanaya Lahaanshaha sawirka EPA

Dad badan oo Kenyan ah ayaa daawanayey TV-yada oo ka dhursugayey gudida doorashooyinka oo tirinta codadka waday.

Xuquuqda sawirrada waxa leh AFP, EPA, Getty Images and Reuters