Maraykanka oo dalkiisa ka eryay diblumaasiyiin u dhalatay Cuba

Diblumaasiyiinta Cuba ayaa laga codsaday in ay isaga baxaan Maraykanka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Diblumaasiyiinta Cuba ayaa laga codsaday in ay isaga baxaan Maraykanka

Laba kamid ah diblumaasiyiinta Cuba ka joogta Maraykanka ayaa dib dalkooda loogu celiyay, kadib markii xanuuno lagu arkay shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Havana, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka.

Si dhakhso ah looma ogaan sida ay wax u jiraan, waxaana afhayeenka wasaaradda arimaha dibada Maraykanka ay sheegtay inaanay wali ogaan halka uu xanuunkaasi ka yimi.

Qaar kamid ah shaqaalaha safaaradda ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan dhego la'aan.

Cuba ayaa dhankeeda sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto eedaymahan, waxayna diblumaasiyiinta dib dalkooda loogu celiyay ku tilmaamay tallaabo aan laga fiirsan.

Dawladda Cuba ayaa sidoo kale sheegtay in ay Maraykanka gacan ku siin doonto baaritaanada socda.

Dhego la'aanta ay ka cabanayaan shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Cuba ayaa loo malaynayaa in ay ka dhalatay qalab lagu xiray banaanka hore ee guryaha ay deganyihiin, kaasi oo dhaliya codad aan la maqli karin marka danbena sababa in qofku dhego beelo.

Maraykanka ayaa sheegay in shaqaaluhu ay dareemeen dhibaatooyin dhanka maqalka ah tan iyo dhammaadkii sanadkii lasoo dhaafay.

Inkasta oo aanay noloshoodu khatar ku jirin, hadana shaqaalahan qaarkood ayaa dib loogu celiyay Maraykanka.

Xiriirka diblumaasi ee Maraykanka iyo Cuba ayaa dib usoo noqday 2015-kii kadib markii mudo 50 sano ah labada dal uu ka dhexeeyey khilaaf siyaasadeed.