Madaxwaynaha Venezueala ayaa doonaya in uu la kulmo Trump

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Nicolás Maduro ayaa siyaas ahaan kasoo horjeeda Maraykanka

Nicolas Maduro ayaa sheegay in uu danaynayo in uu la kulmo madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

Isaga oo la hadlaya golaha cusub ee wakiilada ayuu sheegay in si shaksi uu ula kulmi doono Trump, marka ay kawada qayb galaan shirka guud ee Qaramada Midoobay kaasi oo dhici doona bisha soo socota.

Trump ayaa dhowaan cuna qabatayn saaray Maduro, kadib markii uu ku eedeeyey in uu meel uga dhacayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee Venezuela.

Aqalka Cad ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray madaxwaynaha Venezuela.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rabshado looga soo horjeedo dawladda ayaa ka dhacay Caracas

Nicolas Maduro ayaa ku maamula Venezuela gacan adag, waxaana uu ku eedaynayaa Maraykanka in ay doonayaan sidii ay fara gelin ugu samayn lahaayeen siyaasada guud ee dalkii

Maduro ayaa sidoo kale sheegay in uu ka hortegi doono cuna qabataynta dalkiisa la saaray, isla markaana uu maxkamad ka furi doono gudaha Maraykanka.

Mucaaradka dalkaas ayaa awood ku leh aqalka sare, waxayna ka hor yimaadeen golaha wakiilada ee dhowaan la doortay. Beesha caalamka ayaa sidoo kale tallabadaas canbaaraysay, waxayna ku adkaysanayaan inaan markale xilka loo dhaarin Maduro.

Madaxwaynaha ayaa dhankiisa sheegaya in goluhu ay sharci yihiin, isla markaana ay tahay in go'aanada kasoo baxa lagu dhaqmo.

120 qof ayaa ku dhimatay rabashado u dhexeeyey dad caraysan iyo laamaha ammaanka bishii April.