Maxay Kuuriyada Waqooyi ugu hanjabtay jasiiradda Guan ee Maraykanka?

Jasiirada Guan

Kuuriyada Waqooyi ayaa ka fekeraysa in ay Guan ku rido gantaalaha ridada dheer, arrintaas oo sii kordhisay xiisada u dhexaysa dalkaas iyo Maraykanka.

Wakaaladaha wararka ee Koonfur Kuuriya ayaa si faah faahsan u daabacay xogta ku saabsan suurta galnimada in weerar lagu qaado jasiiradaas.

Madaxwaynaha Maraykanka Donland Trump ayaa daabacay in dalkiisu uu si adag ugu jawaabi doono haddii Kuuriyada Waqooyi ay weerar ku qaado danaha Maraykanka.

Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda sheegtay in ay soo ridi doonto gantaal kasta oo hawadeeda mara.

Khuburo military ayaa sheegtay in ay macquul tahay in Byong Yang ay haysato madax Nukliyeer oo lagu xiri karo gantaal gaari kara dhulka Maraykanka.

"Xiriirka ka dhexeeya Guan iyo Maraykanka ayaa ah mid murugsan, waxay ka tirsan tahay dhul waynaha Maraykanka, laakiinse dadkeedu xaq uma laha in ay ka qayb qaataan codaynta doorashada madaxtinimo".

Xiisadan ayaa timi iyadoo dhowaan golaha ammaanku ay u codeeyeen cuna qabatayn hor leh, taasi oo lagu tilmaamay midii ugu adkayd ee mudo sano ah dal la saaro.

Jasiirada Guan ayaa hoy u ah laba saldhig oo cirka iyo badda ah oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka, waxaana lagu tirayaa xarrun istiraatiiji u ah is fidinta Maryakanka ee galbeedka badwaynta Pacific-ga.

Waxaa ku nool 160 kun oo qof iyo Lix kun oo askar Maraykan ah, waxayna ku taalaa gobol siyaasad ahaan cakiran. Shiinaha ayuu muran kala dhexeeyaa wadamada deriskiisa ah oo qaarkood ay xulifo la yihiin Maraykanka.

Dadka jasiirada Guan ayaa doonaya in ciidamada Maraykanka halkaas laga qaado, waxay u arkaan in ay keeni karaan deganaansho la'aan.

Inkasta oo aanay lahayn xuquuqda codaynta hadana dadka Guan waa muwaadiniin Maraykanka oo ku nool halka ugu fog ee badwaynta Pacific-ga.