Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Uhuru Kenyatta

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru kenyatta
Image caption Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru kenyatta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.

Madaxwyenaha ayaa yiri "Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa."

"Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya", ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska Farmaajo.

"Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka."

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhexeeyo xiriir dhaqaale iyo Mid diblumaasiyadeed.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan