Aaden Barre oo ka warramay ajandaha xisbigooda guulaystay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aaden Barre oo ka warramay ajandaha xisbigooda guulaystay

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ugu baaqay dadka dalkiisa inay midoobaan kaddib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in dib loo soo doortay.

Xilli ay debaaldegayeen taageerayaasha madaxweynaha ayaa dibadbaxayaal caraysan waxa ay isugu soo baxeen qaar ka mid ah goobaha ay mucaaradka ku xooggan yihiin.

Hogaamiyayaasha mucaaradkuna waxa ay goor sii horraysay ku gacanseereen sida ay ku socotay tirinta cododka.

Haddaba Aaden Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa BBC-da uga warramay guusha ay gaareen iyo ajandahooda xiga, waxaa wareysigan gaarka ah la yeeshay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo kula kulmay goobta loogaga dhawaaqay natiijads doorashadii madaxtinimada ee Kenya, marka hore waxa uu waydiiyay sida uu u arko guusha ay gaareen?