Biyo la'an ka taagan Hargeisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo la'aan ka taagan Magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa waxaa muddo dheer dadweynuhu ay ka cabanayaan biyo yaraan iyadoo xaafadaha qaarkood aanay helin biyaha qasabadaha.

Sidoo kale dadka biyaha ka iibsada Booyadaha ayaa ka cabanaya inuu kordhay qiimaha biyaha, sicir bararka awgii.

Waxaa jira mashruuc lagu ballaarinayo biya gelinta magaalada oo soo socday muddo ku dhow labo sano.

Haddaba mashruuca lagu balaarinayo biya galinta Hargeysa xagee marayaa?

Maxamed Cali Daarood waa maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa, su'aashaasi iyo kuwa kalaba waxaa weydiiyay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige