Waa sidee xaalada caafimaad ee madaxwaynaha Nigeria?

Madaxwayne Buhari iyo saraakiil kale Lahaanshaha sawirka PRESIDENCY NIGERIA / BAYO OMOBORIOWO
Image caption Madaxwayne Buhari iyo saraakiil kale

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo sanadkan intiisa badan ku sugnaa London oo lagu dawaynayay ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaladdiisa caafimaad.

Bayaan uu soo saray ayuu Mr Buhari ku sheegay in xaaladiisa caafimaad ay si aad ah u soo hagaagayso.

Hasa ahaatee ,madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in inkastoo uu dalka dib ugu laaban karo,ay wali go'aanka leeyihiin dhaqatiirta oo ay tahay in uu amarkooda qaato.

Ka maqnaashiyihiisa dalka ayaa wax ka dhashay xiisad waxaana loogu baaqayay in uu Nigeria dib ugu soo laabto ama uu iscasilo.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2017 ayaa waqtigiisa inta badan waxa uu ku qaatay dalka UK.

Safarkiisan caafimaad ee uu imika ku joogo London ayaa ah markii labaad ee uu halkaasi u tago howlo caafimaad.

Sawirrada madaxwaynaha xanuunsan ee Nigeria oo la shaaciyay

Muran ka dhashay nin eygiisa ugu magacdaray madaxwaye Buhari

Nigeria: Buhari oo doonayo in loo kordhiyo fasax caafimaad

Ilaa iyo imika shaaca lagama qaadin waxa uu yahay xanuunka madaxwayne Buhari.

"Waxa aan dareemayaa in aan gurigayga ku laaban karo ,balse dhaqaatiirta ayaa iska leh masuuliyada," Mr Buhari ayaa sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray.

"Waxa aan hadda bartay sida loogu hogaansamo amarada ,badalkii aniga la ii hogaansami lahaa."ayuu yiri mr buhari.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Qaar ka mid ah dadka Nigeria ayaa ku baaqay in uu iscasilo ama soo laabto

Qaar ka mid ah dadka ku nool caasimada Nigeria ee Abuja,ayaa waxa ay dalbadeen todobaadkan in uu iscasilo madaxwaynaha.

Qaar kale oo ka mid ah dadka Nigeria ayaa ku baaqay in wax badan laga ogaado xaalada caafimad ee madaxwayne Buhari.

Mucaaradka kula tartamay doorashadii Nigeria 2015 ayaa waxa ay ku andacoodeen in madaxwayne Buhari uu hayo cudurka kansarka nooca ku dhaca xubinta taranka - taasi oo uu beeniyay .