Wararkii ugu doorroonaa ee doorashadii gobolka waqooyi bari ee Kenya

Xarunta Bomas Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xarunta Bomas

Doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay dalka Kenya waxa ay saameyn muuqata ku yeesheen Soomaalida ku dhaqan saddexda degmo ee kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandhera ee Kenya, halkaasi oo ay ka dhaceen isbadalo dhanka hoggaanka ah.

Haddaba waxa aan qormadan ku eegeynaa sida uu xaal noqdey sedexdaasi degmo.

Gaarisa, tartankii ugu kululaa

Gaarisa waxa ay ahayd caasimadda gobolkii horey loo oran jirey Waqooyi Bari Kenya ka hor intii aanan dastuurka la badalin, loona guurin nidaamka degmooyinka ee awoodaha hoosta loo dhaadhiciyey, waxayna hadda noqotey magaalada tartanka ugu adag ee siyaasadeed uu ka dhacay.

Gaarisa hadda ma ahan magaalo oo kaliya, ee sidoo kale waa degmo magaalooyin badan iyo tuulooyin ay hoos tagaan, halkaasi oo maamulka hoosta loo dhaadhiciyey uu horseedey isbadalo muuqda oo dhinac kasta ah.

Waxa ay ka koobantahay 6 deegaan-doorasho oo mid kasta laga soo doorto xildhibaan, waxayna kala yihiin Gaarisa, Balanbala, Ijaaraa, Faafi, Lagdheeraa, Dhadhaab , balse kursiga faras-magaalaha Gaarisa ayaa noqdey kii uu ka dhacay tartankii ugu adkaa , uguna xamaasad badnaa.

Image caption Adan Barre Ducaale oo ku guuleystey kursiga Gaarisa

Sababta ugu weyn ee tartankaasi adag keentay ayaa ahayd siyaasiyiinta ku tartamayay kursigan oo ahaa kuwa xilal sare kasoo qabtay dowladda dhexe ee Kenya, Faarax Macalin Dawaaraa waa siyaasi rug caddaa ah oo soo noqdey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, muddo dheerna xildhibaan soo ahaa, sidoo kale Aadan Barre Ducaale waxa uu ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya .

Image caption Faarax Macalin Dawaara

Waxa ay guushu raacday Aadan Barre Ducaale oo markale dib loosoo doortey sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC.

Sidoo kale doorasho soo jiidatay indhaha warbaahinta waxa ay ahayd kadib markii haweeney lagu magacaabo Safiyo Cabdi Nuur ay kusoo baxday kursiga baarlamaanka Ijaara, iyada oo ka guuleysatay nin lagu magacaabo Axmed Ibraahim Cabbaas.

Lahaanshaha sawirka SAFIYA/FACEBOOK
Image caption Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur

Sidoo kale tartanka barasaabka ama gufarnatooraha degmada Gaarisa ma ahayn mid tartankiisa uu ka xamaasad yaraa, waxaana ku loolamay guddoomiyihii hore Nafiif Jaamac iyo Cali Bunoow Qorane oo ah siyaasi degmadaasi aad looga yaqaano, waxayna guushu ku raacday Cali Bunoow Qorane.

Cali Bunoow Qorane waxa ay guushu ku raacday 58,626 cod oo u dhiganta (51,38% boqolkiiba), halka Nadiif Jaamac uu heley 53,740 oo u dhiganta (47,09% boqolkiiba). Labadii musharax ee kale ee xilkan ku tartamay oo kala ahaa Bashiir Yuusuf Xaaji iyo Axmed Aadan Hire ayaa heley wax ka yar boqolkiiba hal codadkii la tiriyey.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa isna dib loogu soo doortey kursiga aqalka sare ee Kenya.

Dhinac kale marka laga eego, degmada Gaarisa waxa ay u codeysey xisbigada talada haya ee Jubilee ee markale xilka dalkaa ugu sareeya dib loogu doortey madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Sida ay qabaan dad badan oo siyaasadda u dhuun daloola , in xisbiga talada haya uu ka arrimiyo halkaasi waxa ay dan weyn ugu jirtaa shacabka Gaarisa maadaamaa ay qeyb ka yihiin balanqaadyadii uu xisbiga sameeyey xiligii ololaha.

Wajeer oo aad la'isugu soo dhowaaday

Degmo kale oo muhiim ah waa Wajeer oo uu isna ka dhacay tartankii ugu adkaa kadib markii doorashada looga adkaaday gufarnatoorihii halkaasi soo maamulayay 5tii sano ee lasoo dhaafay mudane Axmed Cabdullaahi.

Maxamed Cabdi Maxamuud waxa uu ku guuleystey codad dhan 49,401 cod oo u dhiganta (41,43% boqolkiiba), halka Axmed Cabdullaahi Maxamed uu heley 36,598 cod oo u dhiganta (30,69% boqolkiiba).

Mushirixii kaalinta sedexaad galay Axmed Muxumed Cabdi waxa uu heley 31,902 cod oo dhiganta (26,75% boqolkiiba), halka musharixiintii kale ee kala ahaa Haashim Cabdisiraad Khaliif, Siraat Cusmaan Warfaa iyo Saalax Cabdi Sheekh ay dhammaantood heleen wax ka yar boqolkiiba hal codadkii la dhiibtey.

In sedexda musharax ee ugu cadcadeyd uusan midkoodna helin wax ka badan boqolkiiba konton ayaa doorashadan ka dhigeysa mid aad loogu loolamay, aadna la'isugu dhawaa. Sidaasi darteed guddoomiyaha cusub waa in uu muujiyaa waxqabad iyo shaqo wanaagsan haddii ay tahay in uu doorashada soo socoto markale guushu ku raacdo.

Mas'uulka cusub ee la doortay Maxamed Maxamuud ayaa horey usoo noqdey wasiir ka tirsan dowladda Kenya iyo xitaa safiirka Kenya ee Sucuudiga, isaga oo doorashada ku galay xisbiga talada haya ee Jubilee , halka gufarnatoorihii hore uu ka tirsanaa xisbiga mucaaradka ee NASA.

Degmadan oo ka mid ahayd degmooyinka ku dambeeya xagga horumarka , dadka ku dhaqan oo u badan reer guura ayaa waxa ay qabaan baahiyo waaweyn oo xagga biyaha ah, madaxda cusubna waxaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan baahiyahaasi iyo kuwa kale oo badan.

Cali Roobaa oo dib loogu doortey guddoomiyaha Mandheera

Malaha sheekadii ugu xiisaha badneyd ee doorashadan waxa ay ka dhacday degmada Mandheera, halkaasi oo odayaasha mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn ay go'aan ku gaareen in ay ka codeeyaan gufarnatooraha degmadaasi Cali Roobaa kadib markii uu ka dhago adaygey in uu tartanka ka haro.

Lahaanshaha sawirka Ali Roba/Facebook
Image caption Cali Roobaa oo la taagan madaxweynaha iyo ku xigeenka

Odayaasha ayaa waxa la sheegey in ay doorashada ka hor go'aan ku gaareen in soo sharaxaan musharax kale , una sheegey Cali Roobaa in ay ka codeyn doonaan.

Balse taasi ma dhicin, markale ayaana dib loosoo doortey Cali Roobaa oo olalaha doorashada ku galay in uu wax weyn ka badali doono nolosha reer Mandheera.

Xilka gufarnatooraha Mandhera waxa uu ahaa kan kaliya ee dadka ugu yar ay isu soo taageen, labo musharax oo kaliya ayaa ku tartamay, taasi oo doorashada ka dhigtey loolan u dhaxeeya labo nin , meeshana ka saartay codadkii meelaha kale aadi lahaa.

Cali Ibraahim Roobaa waxa ay guushu ku raacday 72,672 cod oo u dhiganta (53,76% boqolkiiba), halka ninkii ay odayaasha beesha wateen ee ahaa Xasan Nuur uu heley 62,496 cod oo u dhiganta (46.24% boqolkiiba).

Mandhera ayaa sannooyinkii lasoo dhaafay waxa ay la daalaa dhacaysay falal amni daro kadib weeraro kaga imanayay kooxo xudduuda Soomaaliya kasoo talaabayay oo geystey weeraro dad badan ay ku dhinteen.

Waxa ay u egtahay in Cali Roobaa uu muujiyey waxqabad dadka ku qanceen, taasi oo shacabka Mandhera markale ugu abaalceliyeen in ay dib usoo doortaan.

Maxaa xiga doorashada ?

Image caption Amina Maxamed waa wasiirka arrimaha dibada Kenya, waa haweeney Soomaali ah

Dhammaan mas'uuliyiinta la doortey ee sedexda degmo waxaa looga fadhiyaa in ay isbadal muuqda ku sameeyaan nolosha dadka soo doortey ee xag horumar, aqoon iyo adeeg dowladeedba ka dambeeya inta kale ee Kenya tan iyo markii xoriyadda la qaatay.

Mas'uuliyiinta cusub ee degmooyinkan waxa ay maamuli doonaan miisaaniyad badan oo ay u madaxbanaanyihiin, taasi oo loogu talogalay in wax looga qabto adeegyada guud ee dadweynaha, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, nadaafadda, kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka oo kale.

Sedexda degmo oo ay ku dhaqanyihiin dad Soomaali ah oo isku mid ah dhinac kasta ayaa waxaa ka dhaxeeya dhaqdhaqaaq ganacsi, mid isu socod, waxayna dhexdooda kala faa'iidi karaan wax aad u badan haddii ay iskaashi sameeyaan.

Tusaale ahaan ma jirto waddo laami ah oo isku xirta Garisa illaa Mandhera, waxayna arrintani curmaanin ku noqotey korukaca dhaqaalaha iyo horumarka guud ahaan gobolkan, dhismaha wadadaasina waa waxa koowaad ee ay iska kaashan karaan.

Dadka waxa ay u badanyihiin dad xoolo dhaqato ah, waxaana inta badan qabsada abaaro ay dad xoolaba kaga dhintaan, baahiyaha ugu waaweyn ee ay qabaana waa biyaha, oo ay hadda ka filayaan madaxda cusub ee lasoo doortey.

Qodob kale oo dadka maskaxdooda ka guuxaya ayaa ah kala qeybsanaanta bulshada kala dhex gashay, gaar ahaan kuwii kala taageerayay musharixiinta kala, taasi oo loo baahanyahay in horey looga socdo sida uu sheegey Cali Bunoow Qorane, guddoomiyaha cusub ee Gaarisa oo sidoo kale ku baaqay in dadkii isaga soo doortey iyo kuwii aan dooranba uu madax u yahay, una adeegayo.

Ugu dambeyntii waxa lasoo wada eegayaa magaalada caasimadda ah ee Nairobi, halkaasi oo marka madaxweynaha la dhaariyo kadib laga filayo in uu soo dhiso gole wasiiro, waxaana la eegi doonaa qoondada ay Soomaalida ku yeelato markani oo waliba codka ay inta badan siiyeen xisbiga Jubilee ee madaxweyne Uhuru Kenyatta.