Sawirro:Dabaaldegyada maalinta xornimada Pakistan

Dabaaldegyo waaweyn ayaa laga qabtay dalka Pakistan oo ku saabsan xuska maalinta xorriyada dalkaasi oo 70 sano laga joogo.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dab-rid baaruud ah ayaa cirka loo ridey , iyada oo dadka badankood ay lulayaan calanka Pakistan oo Ingiriiska xornimo ka qaaday sanadkii 1947-dii.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad badan ayaa u daawasho tagay mar calanka Pakistan laga surayay qalcadda Wagah oo ah marinka kaliya ee dhulka ee la'isaga gudbo Pakistan iyo Hindiya.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Magaalada Karachi munaasabadda xuska 70 guurada waxaa lagu qabtay madxafka Maxamed Cali Jinnah oo ahaa hoggaamiyihii asaasay Pakistan.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dabaaldegyadan ayaa dhacaya xili Pakistan ay ku jirto qalalaase siyaasadeed kadib markii xilka uu ka dagay Ra'isulwasaarihii hore Nawaz Sharif.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'isulwasaaraha cusub Shahid Khaqan Abbasi ayaa ka qeybgalay munaasabadda oo la ridey 31 madfac , iyada oo diyaarado ay cawada ku sawireen midabada calanka Pakistan oo qaax ah.
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Askari Pakistani ah ayaa hor taagan calanka dalkiisa magaalada Peshawar ee Pakistan.