Cristiano Ronaldo oo laga ganaaxay shan ciyaar

Xilli Ronaldo laga saaray garoonka ciyaaraha ee Nou Camp Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xilli Ronaldo laga saaray garoonka ciyaaraha ee Nou Camp

Ciyaaryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa laga joojiyay shan ciyaar, kaddib markii bannaanka looga saaray ciyaartii ay kooxdiisa uga raayeen kooxda Barcelona 3-1 maalintii Axadda.

Ronaldo waxaa looga ganaaxay 1 ciyaar labadii kaar ee jaallaha ahaa ee loo taagay, iyadoo 4-ta kulan ee kalana looga ganaaxay maddaama la sheegay in uu ku xadgudbay garsoore Ricardo De Burgos, kaddib markii ciyaarta uu bannaanka uga saaray.

Ganaaxa Ronaldo la saaray waxa ay u bilaaban doontaa kulanka lugta labaad ee Super Cup-ka Spain. 32 jirkan ayaa haysta 10 beri oo uu racfaan uga qaadan karo arrintan.

Cristiano Ronaldo oo loo haysto canshuur bixim la aan

Cristiano Ronaldo oo maanta maxkamad la soo taagayo

Cristiano Ronaldo “oo doonaya inuu ka tago” Real Madrid

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kaddib sheegay in uu aad uga xanaaqay ciyaarta laga joojiyay Ronaldo, wuxuuna sheegay inay eegi doonaan tallabada ay qaadayaan si ay ugu suurta gasho in maalinta Arbacada ah uu uga qeyb qaato ciyaarta.

Waa markii 10naad oo Ronaldo la siiyo kaarka casaanka ah, tan iyo markii uu bilaabay xirfaddiisan.