Madaxwayne Trump oo canbareeyay cunsuriyadda

Madaxwayne Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxwayne Trump

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horaysay ka hadlay rabshadaha cunsuriyada ku salysaysan ka dib markii dilal ay Sabtidii ka dhaceen magalada Charlottesville,ee gobolka Virginia.

"Cusuriyadda waa shar, dadka magacaasi rabshado ku gaystana waa danbiilayaal iyo tuugo,"waxa uu sidaasi u sheegay wariyayasha.

Waxa uu madaxwayne Trump sheegay in kooxaha Ku Klux Klan, neo-Nazis iyo caddaanka cunsuriyiinta ah ay xadgudub ku yihiin mabaadiida dadka Maraykanka.

Mr Trump ayaa waxa horay loogu dhaliilay in uusan canbaarayn rabshadahaasi ka socda magaalada Charlottesville.

Heather Heyer, oo 32 jir ah ,iyo 19 qof oo kale ayay waxyeelo soo gaartay ka dib markii gaari la jiirsiiyay dad ka soo horjeeday caddaanka cunsuriyada ay madax martay magaalada Charlottesville,ee gobolka Virginia.

John Kerry,oo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegay in jawabta hore ee rabshadahan uu ka bixiyay madaxwayne Mr Trump ay ahayd mid wax bdan bidhaminaysa.