Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la tusay naqshadda duqaynta Guam

Kuuriyada Waqooyi ayaa sare u qaadday haddalada ay ku taagtaagayso Maraykanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kuuriyada Waqooyi ayaa sare u qaadday haddalada ay ku taagtaagayso Maraykanka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dib u eegis ku sameeyay qorsheyaasha gantaalada loogu garaacayo jasiiradda Guam ee dalka Maraykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. Marka horena wuxuu dalkaasi eegi doonaa ficilka uu Maraykanku qaado.

Inkastoo ay u diyaargaroobeen "duqaynta Guam" hadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay eegi doonto go'aanka Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayay cirka isku shareertay hanjabaadda Guan, ka dib markii ay labada dal sare u qaadeen cago juglaynta ay isu jeedinayaan.

Hadalkan Kuuriyada Waqooyi xaqiiqo ahaan muxuu ka dhigan yahay?

Warbixinta wakaaladda wararka dawladda ee KCNA ayaa lagu sheegay in Kim Jong-un uu "qiimayn ku sameeyay qorshaha wakhtiga dheer" uuna arrintan kala hadlay saraakiisha sare ee milatariga.

Taliyaha arrimaha istaraatiijiyadda ee ciidammada Kuuriyada Waqooyi ayaa sugaya in la siiyo awaamiirtii uu ku ridi lahaa gantaalada, ka dib markii uu soo afjaray diyaarinta hubkii lagu ridi lahaa jasiiradda Guam ee dalka Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Guam ayaa hoy u ah saldhigga ciidammada cirka Maraykanka ee Andersen

Laakiin arrinta muhiimka ah ayaa ah in warbixinta lagu qoray in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu isha ku hayan doono go'aanka Maraykanka ka hor inta uusan amar bixinin.

Waa maxay warkii u dambeeyay ee Maraykanka ka soo yeeray?

Warka qoraalka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa yimid ka dib markii uu digniin jeediyay wasiirka difaaca ee Maraykanka James Mattis, isaga oo sheegay in weerarkkaste uu si dhakhso ah isugu baddali karo dagaal, haddii Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ku riddo jasiiradda Guam-na uu "dagaalku bilaaban".

Image caption Khariidad muujinaysa Guam

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan