Xaaska Mugabe oo lasoo taagayo maxkamad ku taala K/Afrika

Grace Mugabe, xaaska madaxweynaha Zimbabwe Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Grace Mugabe, xaaska madaxweynaha Zimbabwe

Xaaska madaxweynaga Zimbabwe, Grace Mugabe ayaa kasoo muuqanaysa maxkamad ku taala magaalada Johannesburg kadib markii sida la sheegey ay u gacan-qaaday haweeney 20 jir ah.

Wasiirka booliiska Koonfur Afrika Fakile Mbalula ayaa sheegey in aysan xabsi ku jirin Grace maadaamaa ay adeecday amarada booliiska, balse lasoo taagayo maxkamad .

Booliiska ayaa xaqiijiyey in Grace ay kasoo dacwootey haweeney 20 jir ah, taasi oo sheegtey in ay dhaawac gaarsiisey xaaska Mugabe.

Grace Mugabe ayaa la sheegey in ay u gacan-qaaday haweeneydan oo ah kuwa dharka xayaysiiya kadib markii ay u tagtay iyada oo qol kula jirta wiilal ay dhashay hoteelka Capital 20 West ee xaafadda Sandton habeenkii axadda.

Garyaqaan u hadlay wasaaradda arrimaha dibada Koonfur Afrika ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegey in sharciga xasaanadda diblumaasiyadeed uusan difaacaynin Grace maadaamaa aysan ka mid ahayn dowladda Zimbabwe, oo kaliya ay tahay xaaska madaxweynaha.

Wasiirka warfaaafinta Zimbabwe Christopher Mushowe ayaa sheegey in uusan ka warhaynin eedeymaha loo jeediyey xaaska madaxweyne Mugabe.

Grace ayaa la sheegey in ay Koonfur Afrika u joogtay sababo la xiriira caafimaad, iyada oo dooneysay in ay iska daweyso dhaawac kasoo gaaray anqowga bishii hore shil gaari oo ay gashay awgiis.