Rai’sul wasaaraha dalka Algeria oo shaqada laga ceyriyay

Rai'sul wasaarahii hore ee Algeria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rai'sul wasaarahii hore ee Algeria

Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa shaqada ka ceyriyay Raisul wasaarihii dalkaasi Abdelmadjid Tebboune oo xafiiska hayay muddo ka yar saddex bilood.

Weli lama oga tallaabada uu qaaday madaxweynaha sababta ka dambeysa, balse waxay dabo socotay warqad uu madaxweynaha u diray Mr Tebboune oo uu ku dalbanaayay in si deg deg ah wax looga baddalo hanaaanka siyaasadda dalkaasi.

Durbaba waxaa xilka Raisul wasaare loo magacaabay Ahmed Ouyahia oo ahaa agaasimaha madaxtooyada dalkaasi.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Axmed loo arki karo mid saameyn weyn aan lahayn, iyadoo Algeria ay isku dayeyso inay yareyso qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha dalka ee hoos u sii dhacaya.