Dagaalka daroogada ee Philippine oo dhiigii ugu badnaa loo daadiyay

Hawlgalka ka dhanka ah daroogada ayaa loo soo jeediyay cambaarayn caalami ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hawlgalka ka dhanka ah daroogada ayaa loo soo jeediyay cambaarayn caalami ah

Booliiska dalka Philippine ayaa dilay 32 ruux iyaga oo sameeyay hawlgan ka dhan ah daroogada, waxaana loo malaynayaa in uu yahay hawlgalkii ugu dhimasho badnaa ee maalin gudihii ka dhaca dalkaas, marka laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah daroogada.

Hawlgalkaas oo Talaadadii ka dhacay gobolka Bulacan oo waqooyiga kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Manila ayaa socday 24 saac.

Booliisku waxay sheegeen in dadka la laayay ay uga shakiyeen dad daroogada ku hawlan oo hubaysnaa, kuwaas oo diiday in ay isu dhiibaan askarta.

Kumannaan dad ah ayaa la dilay tan iyo markii uu madaxweyne Rodrigo Duterte billaabay dagaalka ka dhanka ah daroogada sannadkii 2016kii.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Dad badan ayaa loo xirxiray dambiyo la xiriira daroogo tan iyo markii hawlgalkan dib loo billaabay bishii Maarso

Ol'olahaas ayaa looga golleeyahay in lagu soo afjaro ganacsiga daroogada, arrintaas ayaana horseeday cambaarayn caalami ah oo ku aadan dhimashada dadka.

Duterte ayaa horay cunaqabatayn loogu saaray dilalka uu gaystay.

Hawlgalkan oo ka dhacay Bulacan ayaa billawday saqdii dhexe ee Talaadadii ayaa dhammaaday saqdii shexe ee kale, waxaa lagu xirxiray in kabadan 100 ruux, waxaa kale oo ay askartu gacanta ku dhigeen daroogo sharci darro ah iyo hub.