Manchester City oo loo diiday in laga iibiyo Evens

Evens Lahaanshaha sawirka Rex Features

Kooxda Manchester City ayaa laga diiday dalabkii 18ka milyan ee gini ahaa ee ay ku doonayeen Jonny Evans oo ah ciyaaryahan khadka dhexe uga dheela kooxda ay xifaaltamaan ee West Brom.

Wadahadallada ciyaartoygan ku saabsan ayaa toddobaadyadii u dambeeyay socday.

Labo jeer ayaana kooxda City laga diiday dalab ay soo gudbisay iyadoo West Brom ay sheegtay in aysan ciyaartoygeeda iibinaynin.

Evans oo sagaal sano u soo ciyaaray kooxda Manchester United ayaa 2015kii ku biiray kooxda lagu naanayso Albion, waxaana qandaraaskiisa uga dhiman labo sano oo kale.

West Brom ayaa sidoo kale diiday dalab ay ciyaaryahankan 29 jirka ah ku rabtay kooxda Leicester oo diyaar la ahayd 10 milyan oo gini.

Evans ayaa Manchester United ku biiray isaga oo ciyaal iskuul ah wuxuuna kula guulaystay saddex koox oo horyaalka Ingiriiska ee Premier League ah, labo koob oo League Cup ah, wuxuuna u saftay 198 kulan.

West Brom ayuu ku biiray markii loo sheegay in uusan u tirsanayn tababare Louis van Gaal oo markaas Manchester United laylinayay.

Labo iyo toban billood ka hor kooxda Arsenal ayaa muujisay in ay danaynayso laakiin kooxda West Brom ayaa ka gawsqabsatay in lala wareego kabtankooda.

Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa bishii hore sheegay in uu wali rajaynayo in uu soo iibsado ciyaartoy u difaaca qaybta dhexe ka hor inta uusan xirmin xilli suuqa kala iibsigu.