Baarlamaanka Lubnaan oo meel adag ka istaagay dambiyada kufsiga

Haween dalbanayay in sharcigan meesha laga saaro Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Haween dalbanayay in sharcigan meesha laga saaro

Baarlamaanka dalka Lubnaan ayaa meesha ka saaray sharci dhigayay in la saamaxo ninkii guursada gabadha uu kufsaday sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ayaa mudda dheer dalbanayay in cutubka 522 ee sharcigan meesha laga saaro.

Ololahani ayaa waxaa taageeray wasiirka haweenka , Jean Oghassabian,oo sheegay in sharcigani yahay mid qadiimi ah oo waqtigiisii laga soo gudbay.

Shraci kan la mid ah ayaa waxa dhawaan meesha ka saaray dalalka Urdun iyo Tunisia .

Wadamada ay wali sharciyada noocan oo kala ah ay ka jiraan waxaa ka mid ah Algeria, Baxrayn, Ciraq, Kuwait, Liibya iyo Suuriya.

Guddiga baarlamaaniga ah ee maamulka iyo cadaalada ee baarlamaanka Lubnaan ayaa bishii December ee aanu soo dhaafnay waxa ay soo jeediyeen in meesha laga saaro qodobkan 522.

Raisul wasaare Sacad Xariri ayaa muujiyay xiligaasi taageerada uu u hayo tillaabadani balse waxa ay qaadatay ilaa arbacadii shalay ahayd in loo codeeyo si sharcigani meesha looga saaro.

Cutubka 522 ee sharciga ayaa qofka gabar kufsada ka saamaxayay in la maxkamadeeyo hadii uu guursado gabadhii uu kufsaday.

Ururka u dooda xuquuqda dumarka ee loo yaqaano Abaad ayaa tilaabada meesha looga saaray sharcigan ku tilmaamay in ay tahay mid dib u soo celisay sharaftii haweenka.

Saraakiisha ururkani ayaa sidoo kale waxay u mahadceliyeen xildhibaanaada oo ay sheegeen in ay xoojiyeen difaaca haweenka laga difaacayo xadgudubyada.

Hasa yeeshee ururka kale ee u dooda xuquuqul insaanka ee lagu magacaabo Kafa, ayaa ku tilmaamay tillaabadani guul aan dhamaystirnayn oo la gaaray.

In meesha laga saaro sharcigan ayaa yimid ka dib markii ay sanooyiin badan u ololeeynayeen kooxaha u dooda xuquuqda dumarka oo adeegsanayay farsamooyiin kala duwan sida muuqaalo,boorar iyo waliba codsiyo ay ku qorayeen baraha internetka.