Faraantigii Dheemanka ahaa ee lumey ee laga dhex heley karootada

Karooto ka dhex baxday faraanti dheeman ah oo lumey 13 sanno ka hor Lahaanshaha sawirka SUBMITTED PHOTO
Image caption Karooto ka dhex baxday faraanti dheeman ah oo lumey 13 sanno ka hor

Haweeney u dhalatay dalka Canada ayaa dib u heshey faraanti dheeman oo ka lumey 13 sanno ka hor, wuxuuna faraantigan ku dhegenaa oo uu ka dhex baxay xabbad karooto ah oo beerteeda ka baxay.

Mary Grams oo 84 jir ah ayaa aad oga xumaatay markii uu faraantiga kaga lumey beerteeda xili ay ka shaqaynaysay sannadkii 2004-tii gobolka Alberto ee Canada.

Balse ciddina uma aysan sheegin alaabta qaaliga ah ee ka luntey marka laga reebo wiilkeeda.

Gabadh ay sodoh u tahay ayaa heshey faraantiga isaga oo ku dhegan karooto ay beerta kasoo goysey si maalintaasi reerka suugada ugu darsadaan.

Mary ayaa ninkeeda ka qarisey faraantiga ka lumey , waxayna suuqa kasoo iibsatay mid kale oo aad oga raqiisan, iyada oo ka xishooneysey ninkeeda.

Gabadh ay sodoh u tahay oo lagu magacaabo Colleen Daley taasi oo ku nool guri ku yaala beerta qoyska oo horey ay ugu deganaan jirtey Mary ayaa maalin uun go'aansaday in ay beerta reerka kasoo gurto waxoogaa kaarooto ah si ay qadada ugu darsato, layaabka dhacayna waxa ay aragtay midkood oo ka dhex baxay faraanti dheeman ah.

Balse ninkeeda ayaa durba aqoonsaday qofka iska leh faraantiga in ay hooyadiis tahay maadaamaa ay hore ugu sheegtey.

Lahaanshaha sawirka SUBMITTED PHOTO
Image caption Mary Grams haweeneyda faraantiga dheemanka dib u heshey

Mrs. Mary ayaa hadda ka shalaysan sababta ay ugu sheegi weysey ninkeeda oo dhintey 5 sano ka hor.

"Wuxuu ahaa nin kaftan badan, haddii aan u sheegi lahaa wuxuu ka samayn lahaa sheekooyin maad ah" ayay tiri Mary oo intaasi ku dartay in ay hadda kadib aad oga taxadari doonto in uu ka lumo.

Ma ahan markii ugu horeysey oo qof uu helo faraanti dheeman ah oo dhumey, kana dhex helo karooto, sannadkii 2011-kii haweeney u dhalatay dalka Sweden ayaa heshey faraantigeedii arooska oo 16 sanno ka hor ka lumey.