Ninkii weerarka ka geystay Barcelona oo la aqoonsaday

Moussa Oukabir Lahaanshaha sawirka Baraha bulshada
Image caption Moussa Oukabir

Ninka lagu tuhunsanyahay in uu gaystey weerarka magaalada Barcelon ee gaariga dadka jiirsiiyey ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegey in uu yahay wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Muusa Abukabir.

Booliiska waxa ay sheegeen in aqoonsigii uu gaariga ku kireystey uu ka xaday walaalkiis oo ka weyn oo lagu magacaabo Idiris Aokabir, kaasi oo markii dambe iskiis booliiska isugu dhiibey.

Ra'isulwasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa weerarada dhacay ku tilmaamay kuwa argagixiso oo ay ka dambeeyeen dad jihaad doon ah.,

Inkasta oo ay jirto hubanti la'aan, haddane booliiska waxa ay sheegayaan in laga yaabo in ninkii waday gaariga weerarka ka geystey Barcelona uu ku dhintey rasaas ay ciidamada rideen.

Sida ay warbaahinta Spain sheegtey, Muusa waxa uu kireystey labo gaari, mid uu weerarka ku geystey iyo mid uu ku baxsan lahaa.

Dhanka kale howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee Cambrils, ee koonfurta magaalada Barcelona.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Boolis baaraya gaarigii loo adeegsaday weerrarkii Cambrils

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in shan qof oo looga shakisan yahay inay argagixiso yihiin oo xirnaa wax u muuqday suumanka la isku miidaamiyo la dilay.

Dowladda gobolka Catalonia ayaa sheegtay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda.

Todoba qof ayaa halkaasi ku dhaawacantay.

Dhacdada ayaa lala xiriiriyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo goor sii horraysay ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu qof gaari uu watay uu jiirsiiyay dad fara badan oo ku sugnaa wadada Las Ramblas ee magaaladaasi.

Saddex iyo toban qof ayaa halkaasi ku dhintay halka in ka badan 100 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.

Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.