Ganacsatada badeecadaha kala soo dega Dekedda Berbera oo cabanaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada badeecadaha kala soo dega Dekedda Berbera oo cabanaya

Waxaa maalmahan danbe isa soo tarayay cabashooyin ay ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera kaga cabanayaan badeecadahooda oo ku raaga dekedda, taas oo ay sheegayaan inay horseedday khasaaro soo gaaray.

Haddaba shirkado ganacsi oo ku dhow boqol ayaa waxa ay soo saareen qoraal dheer oo ay ku sheegeen in intii ay dekedda Berbera la wareegtay sharikadda DPWorld ay muddo dheer qaadato soo xirista maraakiibta iyo doonyaha badeecadaha u sida, iyo ka edejinta rarkuba.

Dhinaca kale waxaannu la xiriirnay xukuumada Somaliland balse waxa ay ku gaabsadeen in xalkeedii lagu jiro cabashada ganacsatada ee dekedda Berbera.

Hadaba waxaa aannu ka wareysanay cabashooyinkan ganacsatada dekedda Berbera gudoomiyaha rugta ganasiga iyo wershedaha Somaliland Maxamed shukri Jaamac, oo u warramay weriyaha BBC-da, Axmed Saciid Cige, oo ugu horreyn weydiiyay waxa ka jira in soo xirista maraakiibta iyo ka dejinta badeecaduhba ay aad ugu raagaan dekedda Berbera lixdii bilood ee DPWorld maamulka dekedda haysay ?