Aubameyang iyo Omagbemi oo kali ah ayaa Afrika ka soo galay liiska tartanka abaalmarinta Fifa

Aubameyang Lahaanshaha sawirka .
Image caption Aubameyang

Weerar yahanka reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang iyo Florence Omagbemi oo ah tababaraha kooxda kubadda cagta Nigeria ayaa noqday labada ruux ee kali ah ee soo galay liiska dadka u tartami doona abaalmarinta sannad laha ah ee Fifa.

Aubameyang ayaa loo doortay in uu ka mid noqdo 24ka ciyaaartoy ee u tartama abaalmarinta Fifa ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan kubadda cagta ragga.

27 jirkan ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa koobka Bundesliga ee xiliciyaareedkii hore, isaga oo 31 u dhaliyay Borussia Dortmund.

Omagbemi ayaa iyaduna dhankeeda koobkii siddeedaad ee heer qaaradeed ah u qaaday dalka Nigeria, waxayna ka mid tahay tobanka tababare ee Fifa ay u xushay in ay u tartamaan abaalmarina tababaraha ugu wanaagsan ee dumarka.

Tababareyaasha raga ah kuma jiro qof qaaradda Afrika laga soo xulay.

Dadka ku guulaysta abaalmarinnadan kala duwan waxaa lagaga dhawaaqi doonaa xalfad lagu qaban doono magaalada London 23 bisha Oktoobar.

Khuburo labo guddi ah oo ka kala socda lixda xiriir ee kubadda cagta ayaa dooran doona dadkii ugu wanaagsanaa xiliciyaareedkii tagay ee 2016-17.

Image caption Florence Omagbemi

Dadka isugu soo haray tartanka abaalmarinta Fifa ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan ragga:

  • Pierre Aubameyang (Gabon, Borussia Dortmund)
  • Leonardo Bonucci (Italy, AC Milan)
  • Gianluigi Buffon (Italy, Juventus)
  • Daniel Carvajal (Spain, Real Madrid)
  • Paulo Dybala (Argentina, Juventus)
  • Antoine Griezmann (France, Atletico Madrid)
  • Eden Hazard (Belgium, Chelsea)
  • Zlatan Ibrahimovic (Sweden, Manchester United)
  • Andres Iniesta (Spain, Barcelona)
  • Harry Kane (England, Tottenham Hotspur)
  • N'Golo Kante (France, Chelsea)
  • Toni Kroos (Germany, Real Madrid)
  • Robert Lewandowski (Poland, Bayern Munich)
  • Marcelo (Brazil, Real Madrid)
  • Lionel Messi (Argentina, Barcelona)
  • Luka Modric (Croatia, Real Madrid)
  • Keylor Navas (Costa Rica, Real Madrid)
  • Manuel Neuer (Germany, Bayern Munich)
  • Neymar (Brazil, Paris St Germain)
  • Sergio Ramos (Spain, Real Madrid)
  • Cristiano Ronaldo (Portugal, Real Madrid)
  • Alexis Sanchez (Chile, Arsenal)
  • Luis Suarez (Uruguay, Barcelona)
  • Arturo Vidal (Chile, Bayern Munich)

Dumarka isugu soo haray tartanka abaalmarinta Fifa ee haweenayda ugu tababar fiican

  • Olivier Echouafni (France, Xulka qaranka France)
  • Emma Hayes (England, Chelsea)
  • Ralf Kellermann (Germany, Wolfsburg)
  • Xavi Llorens (Spain, Barcelona)
  • Nils Nielsen (Denmark, Xulka qaranka Denmark)
  • Florence Omagbemi (Nigeria, Xulka qaranka Nigerian)
  • Gerard Precheur (France, Lyon)
  • Dominik Thalhammer (Austria, Xulka qaranka Austrian )
  • Sarina Wiegman (Netherlands, Xulka qaranka Netherlands )
  • Hwang Yong-Bong (North Korea, xulka qaranka Kuriyada Koonfureed iyo kooxda ay da'doodu ka hoosayso).
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ciyaaryahannada Afrika oo tacaddiyo loo gaysto