Booliiska Philipine oo wada howlgal ka dhan ah daroogada

Getty Images Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hawlgalka ka dhanka ah daroogada ayaa loo soo jeediyay cambaarayn caalami ah

Booliiska caasimmada Manila ee waddanka Philipine, ayaa wadda habeenkii saddexaad howlgalo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada daroogada oo soconaya toddobaad .

Howlgaladan ayaa booliiska Philipine waxa ay ku ugaarasanayaan dadka ka ganacsada daroogada, waxaana la soo sheegayaa in dhowr qof ay booliisku ku dileen.

Maalintii khamiista, booliiska Philipine ayaa sheegay in ay dileen 26 qof oo lagu tuhunsanaa ka ganacsiga daroogada, kadib markii 32 qof oo kale horey loogu dilay weeraro ay booliisku ku qaadeen Isniintii meel ku dhaw Bulacana.

Wararku waxa ay sheegayaan in toddobaadkaan uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa marka loo eego dagaalka ka dhanka ah daroogada ee uu madaxweynaha Philipine Rodrigo Duterte uu kula jiro daroogada, howlgaladaasi oo dad badan lagu dilay.

Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii madaxweyne Philipine Rodrigo Duterte uu xafiiska la wareegay sanad ka hor, xiligaasi oo uu wacad ku maray inuu ka baabi'in doono waddankiisa falal dambiyeedyada la xiriira daroogada lix bilood gudahooda.