Ganacsiga ariga oo sare u kacay xilligan xajka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsiga ariga oo sare u kacay xilligan xajka

Xilligan xajka ayaa waxaa aad u sarreeya iibsiga ariga loo dhoofiyo dalka Sacuudiga ee lagu kala iibsado sayladaha xoolaha nool ee Hargeysa iyo Burco.

In ka badan hal milyan oo neef ayaa lagu wadaa in sanadkan laga dhoofiyo dekedda Berbera, iyadoo talagalkuna uu yahay inin lagu qalo mawsimka xajka.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige ayaa haddaba tegay sayladda weyn ee xoolaha ee magaaladaasi, xilli weliba uu mashquul badan ka jiray, waxa uuna halkaas kula sheekaystay ganacsatada, dilaaliinta iyo dareewaliinta baabuurta ariga u sii qaada dekedda Berbera, kaddibna warbixintan ayuu inooga soo diray.