Ciidamada Lubnaan oo weerar ku qaaday dagaalyahanada IS ee ku sugan Xuduuda Suuriya

Lunbaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Lubnaan

Ciidamada dalka Lubnaan ayaa waxa ay sheegeen in ay weerar xoogan ku qaadeen goobihii ugu danbeeyya ee ay ku sugan yihiin kooxda IS xuduuda Suuriya iyo Lubnaan.

Kooxda la baxday dowlada Islamka ayaa gacanta ku haysay saddexdii sano ee ugu danbaysay gobolka buuralayda ah ee xuduuda ku yaalla.

Saraakiisha ciidamada dalka Lubnaan ayaa waxa ay sheegeen in kooxda IS ee gobolkaasi ku sugan ay tiradooda dhan tahay 600.

Hasa yeeshee saraakiisha ayaa intaa ku daray in dagaalyhanada IS ay ku hubaysan yihiin hubka lidka diyaaradaha iyo gantaalo kale.

Marar hore ayaa kooxda xisbulahi ee Lubnaan iyo ciidamada Suuriya waxa ay sheegeen in ay weerar ku qaadeen dagaalyahanada IS ee ku sugan xuduuda labada dal.

Weerarada Xisbulahi iyo ciidmada dowlada Suuriya ayaan ahayn kuwa isku duba ridan oo ay si wada jir ah ay u qaadeen.