Somaliland oo ka jawaabtay cabashada ganacsatada wax kala soo degta dekadda Berbera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo ka jawaabtay cabashada ganacsatada wax kala soo degta dekadda Berbera

Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jaamac Yuusuf, ayaa ka hadlay cabashooyin maalmihii ugu dambeeyay ka soo baxayay ganacsata wax kala soo degta dekedda Berbera ee ay kaga cawdeen shirkadda DPWorld ee maamulka dekeddaasi lagu waqreejiyay lix bilood ka hor.

Ganacsatada ayaa sheegtay in waqti dheer ay qaadato soo xirista maraakiibta badeecada u sida iyo dejintooduba.

Haddaba umuutaasi ayaa waxaannu ka wareysannay gudoomiyaha gobolka Saaxil, Jaamac Yuusuf, oo u warramay weriyaha BBC Axmed saciid cige oo maalmahanba shaqo u jooga magaalada Berbera, Axmed waxa uu Jaamac marka hore wax ka waydiiyay biyo yaraan ka jirta magaalada Berbera xilligan xagaaga ee kuleylka daran?