Maxay salka ku hayaan dibebaxyada isdiidan ee ka dhacay magaalada Boston?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay salka ku hayaan dibebaxyada isdiidan ee ka dhacay magaalada Boston?

Kumannaan qof ayaa mudaharaad kala hortagay kooxo cunsuriyiin ah oo dibedbax ay ugu magac dareen "Xoriyadda Hadalka" ka dhigayay magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

Kooxaha cunsuriyiinta oo tiradoodo ay koobneyd, ayaa waxaa buuq iyo canaan kala hortagay dad diiddan afkaartooda xagjirka ah, waxaana markii dambe goobta ka waday booliska.

Xiisad salka ku haysa cunsuriyadda ayaa ka taagan qeybo ka mid ah Mareykanka, ka dib dibedbaxyadii dhiigu ku daatay ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

Haddaba waxaa magaalada Boston ee uu mudaharaadkaasi ka dhacay ku nool Cabdixakiim Minjir oo u warramay weriyaha BBC-da, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare