Spain oo xirtay nin dhaliilsan dowladda Turkiga

Booliska Spain Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliska Spain

Dowladda Spain oo tixgelinaysa codsi uga yimid Turkiga ayaa xirtay qoraa haysta dhalashada Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Dogan Akhanli ayaa si weyn wax uga qoray xaaladda xuquuqda aadanaha ee Turkiga, waxaana uu dhaliil badan u jeediyay madaxweyne Rajab Tayib Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa warqad xarig oo caalami ah u jartay Dogan Akhanli, walow aan la sheegin waxa ay ku eedeysay.

Xildhibaan Volker Beck oo ka tirsan xisbiga Green Party ee Jarmalka ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda ee dalkiisa in ninkaas aan loo gacan gelin Turkiga.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go'an tahay madaxweyne Erdogan inuu meel kasta kaga daba tago dadka dhaliilsan.

Xiriirka Turkiga iyo Jarmalka ayaa xumaa bilihii dambe, waxaana Jimcihii ay xukuumadda Berlin ku eedeysay Erdogan inuu faragelin ku hayo arimaha dalkaasi, ka dib markii uu ugu baaqay muwaadiniinta Jarmalka ee asal ahaan Turkiga ah in aanay u codeyn axsaabta waaweyn ee waddankaasi.