Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda ISIS

Ciidamada Ciraaq oo dullaan ku ah Magaalada Tal Afar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Ciraaq oo dullaan ku ah Magaalada Tal Afar

Ra'iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee ISIS.

Haider al-Abadi ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.

Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.

Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda ISIS.