Sawir muujinaya jahwareerka ka jira Aqalka Cad ee Maraykanka

Sawirkan waxaa la qaaday bishii January Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sawirkan waxaa la qaaday bishii January

Kani waa sawir la qaaday 7 bilood ka hor ,kaasi oo muujinaya sida degdeg ah ee uu isu badalay maamulka madaxwayne Donald Trump.

Sawirkan oo la qaaday 28 January, ayaa muujinaya madaxwayne Trump oo fadhiya islamarkana ay hareera joogaan madaxda aqalka cad,madaxwaynaha ayaa ku hadlaya taleefoon uu ka helay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin oo u hambalyaynayay ka dib markii xilka loo dhaariyay.

Jimcihii aanu soo dhaafnay,Steve Bannon ayaa noqday qofkii ugu danbeeyay ee shaqada laga cayriyay ,waxa uuna ku biiray liiska isa soo taraya ee saraakiisha aqalka cad ee shaqada ka tagay.

Madaxwayne Donald Trump

Ku dhawaad 7 bilood tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne,Donald Trump ayaa waxa haysta cadaadis dhinacyo badan ka soo wajahaya balse wali waa madaxwayne.

Xukunkiisa waxaa hareeyay baaritaanka socda ee ku aadan xiriirka uu la leeyahay Ruushka.

Nidaamyada cusub ee Trump aan wali u suuragalin islamarkana uu caqabad kala kulmay waxaa ka mid ah in uu meesha ka saaro caymiska caafimaadka ee Obamacare iyo mamnuucida dhanka safarada ah ee uu soo rogay.

Trump ayaa waxa uu sidoo kale canbaarayn kala kulmay madaxda sarsare ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Democratic,gaar ahaan waxa lagu dhaliilay jawaabtii uu ka bixiyay dhacdooyiinkii caddaanka ay cunsuriyada madax martay ay ka gaysteen magaalada Charlottesville.

Saraakiisha shaqada aqalka cad laga cayriyay waxaa ka mid ah Reince Priebus oo shaqada laga cayriyay bishii July ka dib markii uu 6 bilood uu ka shaqaynayay aqalka cad.

Agaasimihii warfaafinta aqalka cad Anthony Scaramucci ma uusan lahayn nasiib uu muddo badan kaga sii shaqeeyo aqalka cad,waxa uuna ka shaqaynayay maalmo kooban ka dib na shaqada laga cayriyay.