Xaaska Mugabe oo Zimbabwe ku laabatay iyadoo tacaddiyo loo haysto

Grace Mugabe Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Grace Mugabe

Xaaska madaxwaynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa dalkeeda dib ugu laabatay, iyada oo ay jirto in loo haystay eedeeyn ahayd in ay waxyeelo u gaysatay gabar ka shaqaynaysay Hotel ay deganayd oo ku yaalla Johannesburg.

Grace Mugabe, oo 52,ayaa diyaaradii sidday iyada iyo madaxwayne Mugabi waxa ay saakay ka cagadhigatay caasimada Harare.

Idaacada qaranka dalkaasi ee ZBC ayaa baahisay in madaxwayne Mugabi oo ay weheliso marwada koobaad ay dalka dib ugu soo laabmeen.

Kulan ay ahayd in ay uga qaybgasho magaalada Johannesburg ayaysan ka qaybgalin.

Gabadh 20 jir ah oo reer Koonfur Afrika ah ayaa Grace ku eedaysay in ay madaxa wax kaga dhufatay ka dib markii ay ku murmeen huteel ay daganayd.

Lahaanshaha sawirka GABRIELLA ENGELS
Image caption Gabriella Engels ayaa sheegay in lagu dhuftay qaybisada korontada

Marwada kobaad ee madaxwaynaha Zimbabwe ayaa ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eedeeyay, sida ay saraakiishu sheegaan.

Booliiska Koonfur Africa ayaa hore u sheegay in aysan Grace ka bixi Karin dalka ilaa dacwadaha loo haysto laga eegayo.

Ma cadda ilaa iyo imika sida ay uga baxday dalkaasi koonfur Africa.

Waxaa la soo saaray sawiro muujinaya iyada oo garoonka Harare ku saalaamaysa oo gacan qaadaysa saraakiisha sarsare ee dalkaasi.