Dowlada Fedraalka oo taageertay go'aankii xilka looga qaaday madaxwaynihii Hirshabeelle

Qaar ka mid ah gobolaha wasiirada Lahaanshaha sawirka .
Image caption Qaar ka mid ah gobolaha wasiirada

Dowlada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa taageertay go'aankii ay baarlamaanka Hirshabeelle xilka uga qaadeen madaxwaynihii maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in la qabto doorashada madaxwaynaha Hirshabeelle muddo 30 maalmood gudahood ah.

Kullan ay yeesheen golaha wasiirada dowlada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa lagu lafa guray xil ka qaadistii ay baarlamaanka Hirshabeelle ku sameeyeen madaxwaynahii maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Ka dib shirka golaha wasiirada ayaa waxa go'aankii ay gaareen golaha wasiirada saxaafada u aqriyay wasriirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Cabdi Faarax Juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in ay tixgalinayaan go'aankii ay gaareen baarlamaanka Hirshabeelle ee ay xilka kaga qaadeen madaxawyanha maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Dowlada fedaralka ayaa sidoo kale ugu baaqdy baarlamaanka Hirshabeele in ay dhisaan guddi doorasho oo lagu kalsoonaan karo islamarkana ay wasaarada arrimaha gudaha iyo fedaraalka ay kormeer ka noqonayso dhanka farsamadana ay ka caawinayso.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa dhanka kale sheegay in dowlada fedaraalka ay ku baaqayso in la adkeeyo amaanka xiliga kala guurka.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa 14-kii bishan August waxa ay sheegeen in ay xil ka qaadis ku sameeyeen madaxwaynahii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.