Caafimaadka xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera oo xilligan xajka aad loo hubiyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caafimaadka xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera oo xilligan xajka aad loo hubiyo

Iyadoo xilligan xajka ay dekadda magaalada Berbera ka dhoofayaan xoolaha ugu badan ee Soomaalida ee dibedda loo dhoofiyo, ayaa waxaa sare loo qaaday baaritaanka xoolahaasi lagu sameeyo.

Magaalada ayaa waxaa ku yaal saddex maxjar oo caafimaadka xoolaha dhoofayaa lagu baaro, ka hor inta aanay u ambabixin Sacuudi Carabiya amaba dalalka kale ee xoolaha nool loo dhoofiyo.

Haddaba weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo maalmahanba shaqo u jooga magaalada Berbera ayaa warbixintan ku eegaya sida caafimaadka xoolaha loo baaro, siday dekadda uga dhoofaan iyo dhaqadhaqaaqa shaqo ee magaaladaasi maalmaha uu socdo dhoofka xooluhu.