Shacabka Gaarisa maxay ka filayaan maamulka cusub?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shacabka Gaarisa maxay ka filayaan maamulka cusub?

Shacabka ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa inta badan ka cawda wadooyinka deegaannadaasi oo xun, isla mrkaana intooda badan aan laami la saarin tan iyo markii uu dalka xorriyaddiisa uu qaatay.

Sidoo kale dadka gobolkaasi ayaa waxa ay ka sheegtaan biyo yari, walow ay deegaanno ka mid ah ay webiyo maraan.

Haddaba maanta waxaa lagu wadaa in la caleema saaro barasaabyada cusub ee Gaarisa iyo Wajeer, kaddib markii ay ku guulaysteen doorashadii dhawaan dhacday.

Weriyaha BBC-da ee Gaarisa, Bashkas Jugsoo dhacay ayaa warbixintan ku eegaya waxa ay shacabka magaaladaasi ka filayaan maamulka cusub.