Faransiiska: Nin gaari mariyay labo goobood oo basaska lagu sugo

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gaarigan ayaa la jiirsiiyay goob kale oo lagu sugo basaska

Haweenay ayaa dhimatay ka dib markii gaari la mariyay goob basaska lagu sugo oo ku taala magaalada Marseille ee koonfurta dalka Faransiiska, sida ay booliisku sheegeen.

Gaarigan ayaa sidoo kale la jiirsiiyay goob kale oo basaska lagu sugo oo ku taalla qayb kale oo isla magalaada ah, arrintaasina waxay dhacday qaybihii hore ee saaka, waxaan si xun ugu dhaawacmay hal ruux oo kale.

Darawalkii gaariga ayaa xabsiga loo taxaabay.

Dacwad oogeyaasha Faransiisku waxay sheegeen in aan falkan loola dhaqmaynin sidii mid argagixiso.

Warbaahinta Faransiisku waxay ku warramayaan in booliisku ay yaqaaneen darawalka lagana yaabo in uu dhimirka ka xannuunsanaa.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in uu dambiyo hore galay laakiin aysan ka warhaynin laamaha sirdoonka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Goobtii labaad ee gaariga la jiirsiiyay ayay booliisku isku gadaameen
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxaa goobtii shilka loo diray khuburo baaritaan ku sameeya

Sannadkii hore dad dabaaldagaya oo ku sugan magaalada Nice ayaa la jiirsiiyay gaari xamuul ah halkaas oo ay ku dhinteen 80 ruux.

Masuuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.