Cayaartooy wadnaha laga qalay ka dib markii ay shillin qaniintay

Matt Dawson oo ay shillin qaniintay, kadibna wadnaha laga qalay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Matt Dawson oo ay shillin qaniintay, kadibna wadnaha laga qalay

Markii ay sannadkii hore shillin qaniintay ciyaartooygii hore ee England ee kubadda hardanka (Rugby) waxa ay ku reebtey caabuq bakteria oo jirkiisa oo dhan ku faaftay.

"Labo maalmood oo dhib badan ayaan maray, aad ayaan ula qandhaday, gurigana kama soo bixin" ayuu yiri Matt Dawson.

Markii isbitaalka la geeyey waxaa laga heley xanuun ay cayayaanka u gudbiyaan bini'aadamka oo afka qalaad lagu yiraahdo Lyme, kaasi oo marka dambe horseedi kara wadne xanuun halis ah.

"Waa wax laga argagoxo , noolaha intaasi la'eg in qaniinyadiisa ay igu kalifi karto in aan u baahdo qaliin wadnaha ah" ayuu yiri Matt Dawson.

Inkasta oo ay adagtahay in la qiyaaso tirada dadka qaba xanuunkan gudaha UK, haddane waxaa la fahamsanyahay in tiradaasi ay sii labo jibaarantay 10kii sano ee lasoo dhaafay.

Matt ayaa qeyb ka ahaa kooxdii qaadday koobkii 2003-dii ee ciyaaraha Rugby-ga, wuxuuna England u saftay 77 mar.

Qaniinyada iyo xanuunka ka dhashay ayuu aad ula xanuunsaday Matt oo sheegey in uu horey u maqli jirey cudurkan.

Shillinta waxaa laga helaa dhulka keymaha ah iyo waliba meelaha xayawaanka ay ku noolyihiin, waxana ay si tartiib ah usoo kortaa jirkaaga, kadibna waxa ay raadsanaysaa meel banaan oo jirkaaga ah oo ay qaniinto, dhiiggana ka dhuuqdo.

Lahaanshaha sawirka LYME DISEASE ACTION
Image caption Shillinta nooc ka mid ah ayaa laga qaadaa xanuun daran oo wadnaha haleela

Waxaa la aaminsanyahay in nooc gaar ah oo ka mid ah laga helo cudurkan Lyme, balse taasi lafteeda kama dhigna in haddii ay ku qaniinto uu cudurkaasi kugu dhacayo.

Matt ayaa hadda waxa uu ku biirey mashruuc dadka UK looga wacyigalinayo qaniinyada shillinta iyo halista xanuunada ka dhasha.

Mashruucan ayaa waxa uu xiriir la leeyahay cilmi-baaris ay waddo jaamacadda Bristol taasi oo illaa hadda baartay 14,000 eeyo ah , kuwaas oo laga heley shillinta boqolkiiba 30%.

Chris Packham oo ah daadihiye barnaamij TV, lana shaqeeya mashruucan ayaa yiri "Waa arrin aad muhiim u ah in dadka xayawaanka xanaanaysta ay fahmaan sidii ay xayawaanka rabbaayadda ah oga daweyn lahaayeen shillinta, iyo ka hortagista faafitaanka cudurada halista ah".

Kadib markii dhawr jeer qaliin wadnaha ah lagu sameeyey, Matt Dowson hadda waa uu ka caafimaad qabaa xanuunkan Lyme.

"Wali daawo ayaan qaadanayaa, waqti baddan ayayna qaadan kartaa in uu wadnaha bogsoodo" ayuu yiri.