Sidee wax looga qaban karaa dhibaatooyinka Gaarisa la degay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee wax looga qaban karaa dhibaatooyinka Gaarisa la degay?

Barasaabka cusub ee deegaanka Garissa, Cali Bunow Qorane, ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka la degay deegaankaas oo ay ka mid tahay midda biyo yarida.

Waxa uu sheegay in 100-ka maalmood ee ugu horreysa maamulkiisa uu mudnaanta koobaad siin doono wax ka qabashada biyo-yarida halkaasi ka taagan.

Gaarisa ayaa waxaa mari webiga Tana hasayeeshee dadka deegaanka ayaanan si wanaagsan uga faa'iidaysan.

Deegaanka ayaa sidoo kale waxa uu wajahayaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin, waddooyinka oo xun iyo adeegga caafimaadka oo hooseeya, arrimahaas oo uu barasaabka cusub sheegay inuu wax ka qaban doono.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay ayuu u warramay Cali Bunow Qorane.