Maxay ka cabanayaan muruqmaalka dekedda Berbera?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka cabanayaan muruqmaalka dekedda Berbera?

Muruqmaalka ama xamaaliinta dekeda Berbera ayaa waxa ay dareemayaan isbeddel ku dhacay shaqadoodii oo gaabis noqotay tan iyo intii ay sharikadda DPWorld ay la wareegtay maamulka dekeddaasi.

Muruqmaalka ayaa lixdii bilood ee ugu dambaysay waxa ay labo jeer ku dhaqaaqeen shaqo joojin iyagoo ka cabanaya in DPWorld aanay weli meel dhigin xuquuqdoodii.

Ganacsatada dekaddaasi wax kala soo degta ayaa iyana sidaas oo kale cabasho ka muujiyay badeecadahooda oo halkaasi ku raaga.

Haddaba weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa magaalada Berbera kula kulmay wakiillo ka socda qeybaha shaqaalaha muruqmaalka ee dekedda Berbera, waxa uu ka wareystay isbedelka dekedda iyo waayahooda, isagoo marka hore waydiiyay cabashada ay qabaan?