Xaakim Maraykan ah maxkamad horteed nin ku dilay

Bannaanka maxkamadda ayaa weerarku ka dhacay Lahaanshaha sawirka Google
Image caption Bannaanka maxkamadda ayaa weerarku ka dhacay

Xaakim Maraykan ah oo ku sugnaa gobolka Ohio ayaa toogasho ku dilay nin rasaas ku soo furay oo dhaawac xun ugu gaystay maxkamad bannaankeed.

Xaakim Joseph Bruzzese Jr ayaa subixii hore ee Isniintii lagu dhaawacay Steubenville.

Fred Abdalla oo u hadlay booliiska ayaa sheegay in xaakimka iyo ninka soo weeraray uu midkiiba shan xabbadood riday.

Qof kale oo ka tirsan maxkamadda ayaa dhawr xabbadood ku riday ninka laga shakisan yahay.

Dacwad oogaha degmada Jefferson ayaa ninka weerarka soo qaaday ku sheegay Nathaniel Richmond, laakiin wuxuu sheegay in aysan wali ogayn waxa ku qaaday weerarka.

Lahaanshaha sawirka JEFFERSON COUNTY COMMON PLEAS COURT

Richmond ayaa ah ninka dhalay Ma'Lik Richmond oo ah wiil ka tirsanaa koox iskuul u dhesha oo lagu xukumay in uu kufsi gaystay, kaas oo ay aad uga hadleen saxaafadda Maraykanku sannadkii 2012kii.

Dacwad ooge Jane Hanlin ayaase sheegay in xaakim Bruzzese uusan ku lug lahayn dacwaddii kufsiga.