Dhulgariir labo ruux ku dilay dalka Talyaaniga

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ilmo laga soo badbaadiyay burburka hoostiisa

Dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Ischia ee dalka Talyaaniga ayaa galaaftay nolosha labo dumar ah dhaawacayna 39 ruux oo kale.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa burburka ka soo badbaadiyay ilmo toddobo bilood jira, waxayna wali ka shaqaynayaan sidii ay ku soo saari lahaayeen labo ilmood oo kale oo ay waloolo yihiin, sida ay saraakiishu sheegeen. Waalidkood ayaa burburka ka baxsaday iyaga oo nool.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.0 ayaa Isniintii halkaas ku dhuftay, wuxuuna burburiyay kiniisad iyo isbitaal.

Jasiiraddan oo ku taalla xeebta Naples waxaa ku nool 50,000, waxayse caan ku tahay dalxiiseyaasha.

Dad badan ayaa makhaayado ka cuntaynayay markii uu dhulgariisku dhacay.

"Khibrad argagax leh ayay ahayd, wax walbana wuu gilgilanayay, dhulkii mugdi ayuu noqday, dhismayaashuna way dumayaan, cabsi aad u badan ayaana jirta ayuu qof ku soo qoray Twitter-ka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Markuu waagu soo baryayayba dadaaladii samato bixinta ayaa billawday
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Huteello, Isbitaallo, kiniisado iyo guryo kale ayaa burburay
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dad badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka dhul gariirkii ka dib